MW FIFI oo war ka soo saaray kiiska Garsoore Cumar Cartan

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa ka hadlay xaaladda garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan, isagoo sheegay in waxa ku dhacay garsoorahaasi ay tahay arrin laga xumaado, balse FIFA aysan awood u lahayn inay faragelin ku sameyso go’aannada dowladaha ama hay’adaha amniga.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id, Infantino wuxuu sheegay in FIFA mar walba ku dadaasho xalinta dhibaatooyinka noocan oo kale ah, islamarkaana ay wadahadallo iyo dadaallo diblomaasiyadeed ku raadinayso xalal suurtagal ah.

“Waa arrin nasiib darro ah waxa ku dhacay Cumar, garsooraha ka soo jeeda Soomaaliya. Waxaan isku daynaa inaan xalino xaaladaha noocan ah, waan ka hadli doonnaa, waan la xiriiri doonnaa dhinacyada ay khusayso, waxaana eegi doonnaa waxa suuragalka ah,” ayuu yiri.

Madaxweynaha FIFA ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in mararka qaar qeylo-dhaan degdeg ah aysan sahlin xal helidda mushkiladaha, isagoo xusay in ururkiisu uu mar walba ka shaqeeyo sidii xalal loo heli lahaa.

Infantino wuxuu sheegay in FIFA ay tahay hay’ad isboorti oo aan lahayn awood ay ku maamusho dowladaha ama ciidamada ammaanka, isagoo yiri: “Ma nihin boqorrada dunida oo kale oo amar siin kara dowladaha iyo ciidamada booliiska. Waxaan nahay hay’ad isboorti, waxaana ku dadaalnaa inaan qabanno wixii awooddeenna ah.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles