Thursday, June 11, 2026

Jubbaland oo DF ku eedeysay leexsashada qalab kalluumeysi oo loogu talagalay dowlad-goboleedyada

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay si sharci-darro ah ula wareegtay shixnad qalab kalluumeysi ah oo la sheegay in loogu talagalay kalluumeysatada iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qalabkii loogu talagalay mashruuca horumarinta kalluumeysiga uusan gaarin goobihii loo qorsheeyay, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid jebinaysa heshiisyadii hore ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay in Jubbaland ay muddo hore cabasho ka qabtay habka loo maareeyo qalabka iyo gaadiidka lagu maalgeliyo mashaariicda caalamiga ah, kuwaas oo sida uu sheegay aan si siman loogu qaybin gobollada dalka.

“Waxaan rabnaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagno xadgudubka lagu hayo qalabkii loogu talagalay kalluumeysatada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in arrintan ay noqotay mid soo noqnoqota.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu cabashadan la wadaagay Bangiga Adduunka, isagoo ku eedeeyay in lagu takrifalay qaar kamid ah mashruucyada horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in lacag badan lagu bixiyay qalab iyo gaadiid loogu talagalay kalluumeysatada, balse aan si dhab ah loo gaarsiin meelihii loogu talagalay, taas oo uu ku tilmaamay “hanti qaran oo lagu takrifalay.”

Dhanka kale, Jubbaland ayaa ugu baaqday Bangiga Adduunka inuu si degdeg ah uga jawaabo cabashada la xiriirta maamulka iyo maareynta mashaariicda lagu taageerayo horumarinta kalluumeysiga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymahan cusub, kuwaas oo kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray Aqalka Madaxtooyada Villa Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray seddex waddo ee laga dhisay jowhar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu...

Kheyre oo Dowladda ku eedeeyay “Dhulboob iyo Weerar lagu qaaday Shacab”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Puntland oo digniin culus kasoo saartay amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles