Kheyre oo Dowladda ku eedeeyay “Dhulboob iyo Weerar lagu qaaday Shacab”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook si kulul uga hadlay weerar maanta ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin shacabka danyarta ah,” isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen dad rayid ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay howlgalkaasi, isaga oo Alle uga baryay naxariis dadka dhintay iyo caafimaad kuwa dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay horay u sheegtay inay joojisay dhulboobka, balse haddana ay wali waddo falal uu ku tilmaamay “boob dhuleed, barakicin iyo gabood-fallo ka dhan ah shacabka.”

Kheyre ayaa sheegay in falalkaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha uu jeediyay Xasan Cali Kheyre ee la xiriira dhacdadii maanta ka dhacday degmada Cabdicasiis.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles