Friday, June 12, 2026

NISA oo qabatay Walxo Kimiko ah qaraxyada laga sameeyo

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay qabteen walxo kiimiko ah oo dagaalamayaasha Alshabaab ay doonayeen inay ka sameeyaan waxyaalaha qarxa.

Agabkan ay heleen hay’adda NISA ayaa la sheegay inay ku jiren jiirigaano gaaraya boqol kuwaasoo lagu qareiyay meel ku dhow xeebta deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Qaranka ee degmada Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa aad ugu mahadceliayay ciidanka deegaanka, isagoo xusay in ay macawisleyda gobolka arkeen xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxaysa Marka iyo Gendershe godad ay ku aasan yihiin Jirigaamo ka badan boqol, iyagoo la wadaagay taliska nabad sugidda ee Shabeelleda hoose, wuxuuna taliyuhu sheegay in ay sii labalaabi doonaan howl gallada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir, ayaa sidoo kale sheegay in Jirigaamada ay qabteen ay ku jiraan budo kala nooc ah, taas oo ah kiimikada laga samayso walxaha qarxa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo xiray aqoonyahan Maraykan ah oo looga shakisan yahay basaasnimo

Wasaaradda arrimaha dibadd  a ee Shiinaha ayaa xaqiijisay xarigga...

Iiraan oo sheegtay in Heshiisku uusan weli dhammaan iyadoo Trump uu doonayo inuu dhawaan saxiixo

Horumar diblomaasiyadeed oo suurtagal ah oo dhexmara Washington iyo...

Xoghayaha Difaaca UK iyo Wasiirka Ciidamada Qalabka Sida oo iscasilay

Xoog uu Keir Starmer ku hayay dowladdiisa da’da yar...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray Aqalka Madaxtooyada Villa Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles