Shiinaha oo xiray aqoonyahan Maraykan ah oo looga shakisan yahay basaasnimo

Wasaaradda arrimaha dibadd  a ee Shiinaha ayaa xaqiijisay xarigga aqoonyahan Mareykan ah oo ay ku eedeysay basaasnimo iyo inuu halis geliyay ammaanka qaranka Shiinaha.

Waxaa la sheegay in la waayay xilli uu ku sugnaa magaalada Kunming ee dalka Shiinaha oo xudduud la leh Myanmar, ayaa lagu yiri warbixinta.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigga – oo ah mid aan caadi ahayn, maadaama ay caadi tahay in Shiinuhu xiro muwaadiniin Maraykan ah oo loo haysto eedeymo amni qaran – lama oga.

Xariggan ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo uun ka dib booqashadii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha lana kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, halkaasi oo hogaamiyaha Maraykanka uu kala kulmay soo dhawayn weyn.

Waxa ay sidoo kale ku soo aadeysaa xilli madaxweynaha Myanmar Min Aung Hlaing lagu wado in uu booqasho ku tago magaalada Beijing dabayaaqada todobaadka soo socda.

Xukuumadda Beijing ayaa la og yahay in ay xiriir dhow la leedahay militariga Myanmar, oo ah dowladdii militariga ee dalkaas oo afgambi ku qabsatay sannadkii 2021-kii.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles