NISA oo qabatay Walxo Kimiko ah qaraxyada laga sameeyo

Wararka ka imanaya gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay qabteen walxo kiimiko ah oo dagaalamayaasha Alshabaab ay doonayeen inay ka sameeyaan waxyaalaha qarxa.

Agabkan ay heleen hay’adda NISA ayaa la sheegay inay ku jiren jiirigaano gaaraya boqol kuwaasoo lagu qareiyay meel ku dhow xeebta deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Qaranka ee degmada Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa aad ugu mahadceliayay ciidanka deegaanka, isagoo xusay in ay macawisleyda gobolka arkeen xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxaysa Marka iyo Gendershe godad ay ku aasan yihiin Jirigaamo ka badan boqol, iyagoo la wadaagay taliska nabad sugidda ee Shabeelleda hoose, wuxuuna taliyuhu sheegay in ay sii labalaabi doonaan howl gallada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir, ayaa sidoo kale sheegay in Jirigaamada ay qabteen ay ku jiraan budo kala nooc ah, taas oo ah kiimikada laga samayso walxaha qarxa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles