Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga ayaa ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka deegaaanada Hirshabeelle kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay ee dhowaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle, iyadoo uu gabogabo marayo dhismaha xarunta Golaha Wakiilada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles