22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo ay uga digeen Iiraan inay joojiso weerarrada ka dhanka ah dadka ku sugan “dhulkooda.” Waxa kale oo ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen “shirqool” ay kooxo ay Iiraan taageerto ku doonayaan inay ku weeraraan dad ku sugan dalalkooda.

Bayaankan waxaa lagu eedeeyay hay’adaha amniga ee Iiraan inay “isticmaalayaan shabakado dembiileyaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Australia.”

Dalalkan ayaa bayaankooda ku xusay weerarro lala beegsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiin Iiraaniyiin ah, iyo suxufiyiin Mareykan ah, iyagoo sheegay in mas’uuliyadda falalkan ay sheegatay kooxda lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement, taas oo lagu sheegay inay “la safan tahay Iiraan.”

Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro dab- lagu qabadsiiyay goobo macbad ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla Golders Green magaalada London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu ballaaran London.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles