Madaxweynaha Soomaaliland oo maanta gaaray Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliland Cabdirahman Maxamed Cabdullahi ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Israa’iil, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, isla markaana kulan kula yeeshay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.

War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay in booqashadan ay tahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliland ku qaabilay hab-maamuus rasmi ah oo ay qeyb ka ahaayeen roogga cas, salaan sharaf ciidamo iyo munaasabado kale oo lagu maamuusay wafdiga booqashada ku tegay Israa’iil.

Labada dhinac ayaa yeeshay wada-hadallo diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha gobolka, iyadoo sidoo kale la muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn ku saleysan dano wadaag iyo xasillooni.

Kadib kulanka, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, Madaxweynaha Israa’iil ayaa qado sharaf ku maamuusay Madaxweynaha Soomaaliland iyo wafdigiisa, iyadoo booqashadan la sheegay inay qaadan doonto muddo shan maalmood ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles