Madaxweynaha Soomaaliland Cabdirahman Maxamed Cabdullahi ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Israa’iil, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, isla markaana kulan kula yeeshay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu sheegay in booqashadan ay tahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Madaxweynaha Israa’iil ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliland ku qaabilay hab-maamuus rasmi ah oo ay qeyb ka ahaayeen roogga cas, salaan sharaf ciidamo iyo munaasabado kale oo lagu maamuusay wafdiga booqashada ku tegay Israa’iil.
Labada dhinac ayaa yeeshay wada-hadallo diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha gobolka, iyadoo sidoo kale la muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn ku saleysan dano wadaag iyo xasillooni.
Kadib kulanka, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Sidoo kale, Madaxweynaha Israa’iil ayaa qado sharaf ku maamuusay Madaxweynaha Soomaaliland iyo wafdigiisa, iyadoo booqashadan la sheegay inay qaadan doonto muddo shan maalmood ah.


