Golaha Mustaqbal oo Magacaabay Guddi Farsamo oo ka Shaqeynaya Wada-hadallada DF iyo Mucaaradka

Golaha Mustaqbal ayaa magacaabay guddi farsamo oo loo xil saaray isku dubbaridka dadaallada lagu doonayo in lagu bilaabo wada-hadal rasmi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed.

Guddigan ayaa ka kooban xubno kala metelaya hoggaamiyeyaasha iyo ururrada siyaasadeed ee ku mideysan madasha Golaha Mustaqbal.

Xubnaha guddiga waxaa kamid ah wasiirkii hore Maxamed Dhabancad oo matalaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Cabdirashiid Jire oo matalaya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam, halka sidoo kale ay xubno ka yihiin Abdirahman Abdishakur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Ceynte oo matalaya Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, guddigan ayaa ka shaqeyn doona mideynta dadaallada kala duwan ee caalamiga ah ee lagu doonayo in dowladda iyo mucaaradka lagu isugu keeno miiska wada-hadallada.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee socda waxaa hormuud ka ah dowladda Türkiye, iyadoo sidoo kale ay ku lug leeyihiin dalalka reer Galbeedka sida Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Magacaabista guddigan ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo looga gudbo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles