DFS oo Taliye u Magacaawday Qeybta 54-aad ee CXD ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay si rasmi ah u magacaawday Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), taas oo ka howlgasha deegaanada maamulka Puntland.

Jimcaale Jaamac Takar ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee qeybtaasi, waxaana tallaabadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah dib-u-dhiska iyo mideynta ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay dhammeystirtay habraacyadii la xiriiray dhismaha talisyada guutooyinka iyo ururrada hoostaga Qeybta 54-aad, taas oo suuragelisay magacaabista taliyaha cusub.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo dowladda dhexe ay taliye qeyb ciidan si rasmi ah ugu magacowdo Puntland tan iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Kadib magacaabistan, Qeybta 26-aad ee ka howlgasha magaalada Hargeysa ayaa noqotay qeybta keliya ee wali aan si rasmi ah loogu magacaabin taliye cusub.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kahor burburkii dowladdii dhexe ee 1991 lahaa toddobo qeybood oo militari kuwaas oo ka kala howlgalayay gobollada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay inay waddo qorshe lagu sugayo amniga guud ahaan dalka, laga bilaabo Koonfurta ilaa Waqooyiga Soomaaliya, oo ay ku jiraan Hargeysa iyo Berbera.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles