Golaha Mustaqbal oo Magacaabay Guddi Farsamo oo ka Shaqeynaya Wada-hadallada DF iyo Mucaaradka

Golaha Mustaqbal ayaa magacaabay guddi farsamo oo loo xil saaray isku dubbaridka dadaallada lagu doonayo in lagu bilaabo wada-hadal rasmi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed.

Guddigan ayaa ka kooban xubno kala metelaya hoggaamiyeyaasha iyo ururrada siyaasadeed ee ku mideysan madasha Golaha Mustaqbal.

Xubnaha guddiga waxaa kamid ah wasiirkii hore Maxamed Dhabancad oo matalaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Cabdirashiid Jire oo matalaya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam, halka sidoo kale ay xubno ka yihiin Abdirahman Abdishakur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Ceynte oo matalaya Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, guddigan ayaa ka shaqeyn doona mideynta dadaallada kala duwan ee caalamiga ah ee lagu doonayo in dowladda iyo mucaaradka lagu isugu keeno miiska wada-hadallada.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee socda waxaa hormuud ka ah dowladda Türkiye, iyadoo sidoo kale ay ku lug leeyihiin dalalka reer Galbeedka sida Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Magacaabista guddigan ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo looga gudbo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles