Xuutiyiinta Yemen oo si Kulul uga Hadlay Safarka Cirro ee Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga hortimid booqashada Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi uu ku tagay Israa’iil, iyagoo sheegay inay ka hortagi doonaan waxa ay ku tilmaameen qorshayaasha Israa’iil ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland uu yahay tallaabo aan la aqbali karin, gaar ahaan xilli gobolka Bariga Dhexe ay ka socdaan dagaallo iyo xiisado sii xoogeysanaya.

Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay waddo qorsheyaal ay ku ballaarinayso saameynteeda gobolka, balse ay Yemen ka hor istaagi doonto dadaal kasta oo lagu doonayo in Israa’iil ay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Kooxdu waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka Carabta inay qaadaan tallaabooyin ka baxsan cambaareyn siyaasadeed oo keliya, si looga hortago xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay muujiyeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay tahay tii ugu horreysay ee heerkan gaarta, isla markaana lagu wado inay kusoo gabagabowdo qorshe lagu furayo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.

Safarkan ayaa durba dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro kala duwan oo ku sugan gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles