Xuutiyiinta Yemen oo si Kulul uga Hadlay Safarka Cirro ee Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga hortimid booqashada Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi uu ku tagay Israa’iil, iyagoo sheegay inay ka hortagi doonaan waxa ay ku tilmaameen qorshayaasha Israa’iil ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland uu yahay tallaabo aan la aqbali karin, gaar ahaan xilli gobolka Bariga Dhexe ay ka socdaan dagaallo iyo xiisado sii xoogeysanaya.

Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay waddo qorsheyaal ay ku ballaarinayso saameynteeda gobolka, balse ay Yemen ka hor istaagi doonto dadaal kasta oo lagu doonayo in Israa’iil ay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Kooxdu waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka Carabta inay qaadaan tallaabooyin ka baxsan cambaareyn siyaasadeed oo keliya, si looga hortago xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay muujiyeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay garab taagan yihiin dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in booqashada Madaxweynaha Somaliland ay tahay tii ugu horreysay ee heerkan gaarta, isla markaana lagu wado inay kusoo gabagabowdo qorshe lagu furayo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.

Safarkan ayaa durba dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro kala duwan oo ku sugan gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles