Xamaas oo si Kulul uga Hortimid Qorshaha Safaaradda Somaliland ee Qudus

Ururka Xamaas ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi uu ku doonayo in Somaliland safaarad uga furato magaalada Qudus ee ay maamusho Israa’iil, iyagoo tallaabadaasi ku tilmaamay “qalad siyaasadeed” iyo mid ka hor imaanaysa mowqifka mideysan ee Carabta iyo dunida Islaamka.

Bayaan kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Israa’iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda Israa’iil ay yihiin tallaabo aan la aqbali karin, xilli gobolka Bariga Dhexe ay ka jiraan dagaallo iyo xiisado sii xoogeysanaya.

Xamaas ayaa ku eedeysay Israa’iil inay sii waddo gumeysiga dhulka Falastiin iyo weerarrada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta, iyadoo sheegtay in furashada safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus ay jebinayso shuruucda caalamiga ah iyo mowqifka guud ee dunida Islaamka.

Ururka ayaa ugu baaqay Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, isaga oo sheegay in booqashadiisu ay muujinayso fursado cusub oo iskaashi oo dhexmari kara labada dhinac.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee heerkan gaarta lagu soo gabagabeyn doono furitaanka safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa Somaliland aqoonsatay dhammaadkii sanadkii 2025, tallaabadaas oo ay si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhalisay falcelin ballaaran oo heer gobol iyo caalami ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles