Tuesday, June 16, 2026

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Galmudug iyo Villa Soomaaliya, iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qaabka loo wajahayo doorashada maamulkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay faragelin siyaasadeed iyo cadaadis lagu saarayo maamulka, halka Villa Soomaaliya ay sheegtay inay ka shaqeynayso mideynta iyo xasilloonida dalka.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si adag uga hortimid in doorasho dhinac u janjeerta laga qabto deegaanadeeda, iyadoo ku adkeysatay in doorashadu noqoto mid ay ku wada jiraan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo markiisii labaad xilka u taagan, ayaa toddobaadyadii dambe dadaal xooggan ugu jiray sidii uu xubno ugu yeelan lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, arrintaas oo la fahamsan yahay inay Villa Soomaaliya ka biyo diidan tahay.

Qaab dhismeedka guddiga doorashada ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hareysay doorashada Galmudug, iyadoo dhinacyadu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa hanaanka doorashada.

Dhanka kale, Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa shalay wada-hadallo gaar ah la yeeshay musharraxa Galmudug ee xisbiga JSP Liibaan Axmed Xasan, waxaana kulanka ku wehliyay odayaal iyo waxgarad ka tirsan beeshiisa.

Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku fahmeen arrimo la xiriira doorashada Galmudug iyo jihada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Mahad Salaad ayaa reportedly sheegay inuusan jirin khilaaf gaar ah oo kala dhexeeya Liibaan Axmed, islamarkaana laga gudbayo dhacdooyinkii hore.

Isku soo dhowaanshahan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mahad Salaad ay wada-hadal gaar ah ka yeesheen xaaladda Galmudug, islamarkaana ay isku fahmeen arrimaha doorashada maamulkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

OIC oo si adag u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles