OIC oo si adag u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa uu ku tilmaamay “Safaaradda Somaliland” ee laga furay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaaneyso Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah.

Bayaan kasoo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn magaalada Qudus, islamarkaana dhammaan tallaabooyinka lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed iyo sharci ee magaaladaasi ay yihiin kuwo sharci-darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Ururka ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageeradiisa buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu garab taagan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

OIC ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabadaasi, islamarkaana laga hortago wax kasta oo sharciyeynaya xaalad cusub oo ka dhalata Qudus la haysto.

Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland ay si rasmi ah safaarad uga furatay magaalada Qudus, iyadoo xariga laga jaray munaasabad uu ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles