Netanyahu oo ka hadlay Aqoonsiga Somaliland iyo Qudus

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sida Somaliland u raadinayso aqoonsi caalami ah, ay Israa’iil sidoo kale u dooneyso in dunidu u aqoonsato magaalada Qudus inay tahay caasimaddeeda rasmiga ah.

Netanyahu ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu magaalada Qudus kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo yiri:

“Sidii aad uga filaysaan dalalka inay aqoonsadaan madaxbannaanidiinna iyo xuquuqdiinna qaran, annaguna sidaas oo kale ayaan u aragnaa xuquuqdayada ku aaddan caasimaddayada Qudus (Jerusalem), waxay ahayd caasimadda shacabka Yuhuudda tan iyo xilligii Nabi Daa’uud ku dhowaad 3,000 sano kahor.”

Labada dhinac ayaa sidoo kale magaalada Qudus ku saxiixay Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in heshiiskan uu dhisayo xiriir istaraatiiji ah oo waara, isla markaana diiradda lagu saarayo dhinacyada beeraha, biyaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles