Australia oo Baaraysa Eedeymo ka dhan ah Ciidamada Israa’iil ee Weeraray Doon Gargaar u Sidday Gaza

Dowladda Australia ayaa billowday baaritaan la xiriira eedeymo loo jeediyay ciidamada Israa’iil, kuwaas oo lagu accusay inay jirdil, tacaddiyo iyo faraxumeyn kula kaceen dad u ololeeya Gaza oo saarnaa doon gargaar oo ku wajahneyd marinka Gaza.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Gaza ee laga qabtay doomahaasi ayaa sheegay in dowladda Australia ay ballanqaadday baaritaan madax-bannaan oo lagu sameynayo eedeymaha ka dhanka ah ciidamada Israa’iil.

Ururka Global Movement to Gaza Aotearoa-Australia ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay:

“Dowladda Australia waxay oggolaatay inay sameyso baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan weerarrada, tacaddiyada galmada iyo jirdilka loo geystay dadka saarnaa doomaha gargaarka.”

Ururka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib kulan ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia Penny Wong, Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Anne Aly, iyo wafdi sare oo ka socday Booliska Federaalka Australia iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa furay baaritaanno ku saabsan sida Israa’iil ula dhaqantay dadka saarnaa doomaha gargaarka, kuwaas oo ciidamada Israa’iil ay ku qabteen biyaha caalamiga ah xilli ay ku sii jeedeen Gaza.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles