Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa maamulka Galmudug iyo Villa Soomaaliya, iyadoo khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qaabka loo wajahayo doorashada maamulkaasi.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay faragelin siyaasadeed iyo cadaadis lagu saarayo maamulka, halka Villa Soomaaliya ay sheegtay inay ka shaqeynayso mideynta iyo xasilloonida dalka.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si adag uga hortimid in doorasho dhinac u janjeerta laga qabto deegaanadeeda, iyadoo ku adkeysatay in doorashadu noqoto mid ay ku wada jiraan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo markiisii labaad xilka u taagan, ayaa toddobaadyadii dambe dadaal xooggan ugu jiray sidii uu xubno ugu yeelan lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, arrintaas oo la fahamsan yahay inay Villa Soomaaliya ka biyo diidan tahay.

Qaab dhismeedka guddiga doorashada ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee hareysay doorashada Galmudug, iyadoo dhinacyadu si weyn ugu kala aragti duwan yihiin cidda maamuleysa hanaanka doorashada.

Dhanka kale, Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa shalay wada-hadallo gaar ah la yeeshay musharraxa Galmudug ee xisbiga JSP Liibaan Axmed Xasan, waxaana kulanka ku wehliyay odayaal iyo waxgarad ka tirsan beeshiisa.

Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku fahmeen arrimo la xiriira doorashada Galmudug iyo jihada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Mahad Salaad ayaa reportedly sheegay inuusan jirin khilaaf gaar ah oo kala dhexeeya Liibaan Axmed, islamarkaana laga gudbayo dhacdooyinkii hore.

Isku soo dhowaanshahan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mahad Salaad ay wada-hadal gaar ah ka yeesheen xaaladda Galmudug, islamarkaana ay isku fahmeen arrimaha doorashada maamulkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles