DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xirriirka Israa’iil iyo Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waxay weli tahay dawlad madaxbannaan oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, Dawladda Federaalkuna waa hay’adda keliya ee sharciga ah ee awoodda u leh inay dalka ku metesho xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

“Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, ama mid kale oo lala yeesho maamulka gooni-u-goosadka ah, kaas oo hareer maraya Dawladda Federaalka Soomaaliya, uu ka horimanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax miisaan sharci ama siyaasadeed ah”, ayaa intaas la raaciyay.

Soomaaliya aya dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo dhammaan bahwadaagta caalamiga ah inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhowrsanaanta dhulka Soomaaliya, ayna cambaareeyaan ficillada wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dawladnimada Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xajisanaysaa xaqa ay u leedahay dawlad nimo inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, iyadoo u mareysa dariiqyada diblomaasiyadeed, sharci, iyo kuwa kale ee habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaran”

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wadahadal nabadeed, xasilloonida gobolka, iyo xiriir dhexgal oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato dhammaan bahwadaagta, laakiin ma aqbali doonto ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanideeda ama khatar ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed ayay tiri

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles