Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha Boeing ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka B-52 ay burburtay ka dib markii ay ka kacday saldhiga ciidamada cirka ee Edwards ee koonfurta California.

Shilkan ayaa dhacay xilli ay diyaaraddu ay ku jirtay hawl tijaabo ah, iyaodo la arkay qiiq madow cirka isku shareeray.

“Maanta, Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards waxa uu la kulmay masiibo aad u xun, waxaanan waynay siddeed qof oo Maraykan ah,” ayuu yiri Col James Hayes, isaga oo ku sifeeyay inay ahaayeen shaqaale isku dar oo ka kooban ciidan, rayid dawladeed iyo qandaraasleyaal dawladeed.

Saldhigga ayaa horay u sheegay in calaamadaha ugu horreeya ay yihiin in shilka aan laga badbaadi karin.
Hayes ayaa sheegay in la wargeliyay qaraabada shaqaalaha balse magacyadooda la sheegi doono muddo 24 saac gudahood ah.

Ilaa hadda lama go’aamin sababta keentay shilka diyaarada balse baaritaanada lagu ogaan karo sababtaas waxay qaadan kartaa illaa 30 maalmood.Diyaaradan Boeing B-52 Stratofortress waxa isticmaalayey millatariga Maraykanku ilaa sanadkii 1950-yadii.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles