DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xirriirka Israa’iil iyo Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waxay weli tahay dawlad madaxbannaan oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, Dawladda Federaalkuna waa hay’adda keliya ee sharciga ah ee awoodda u leh inay dalka ku metesho xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

“Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, ama mid kale oo lala yeesho maamulka gooni-u-goosadka ah, kaas oo hareer maraya Dawladda Federaalka Soomaaliya, uu ka horimanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax miisaan sharci ama siyaasadeed ah”, ayaa intaas la raaciyay.

Soomaaliya aya dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo dhammaan bahwadaagta caalamiga ah inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhowrsanaanta dhulka Soomaaliya, ayna cambaareeyaan ficillada wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dawladnimada Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xajisanaysaa xaqa ay u leedahay dawlad nimo inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, iyadoo u mareysa dariiqyada diblomaasiyadeed, sharci, iyo kuwa kale ee habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaran”

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wadahadal nabadeed, xasilloonida gobolka, iyo xiriir dhexgal oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato dhammaan bahwadaagta, laakiin ma aqbali doonto ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanideeda ama khatar ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed ayay tiri

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles