Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid ah shaqaalaha Boeing ayaa ku dhintay ka dib markii diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka B-52 ay burburtay ka dib markii ay ka kacday saldhiga ciidamada cirka ee Edwards ee koonfurta California.

Shilkan ayaa dhacay xilli ay diyaaraddu ay ku jirtay hawl tijaabo ah, iyaodo la arkay qiiq madow cirka isku shareeray.

“Maanta, Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards waxa uu la kulmay masiibo aad u xun, waxaanan waynay siddeed qof oo Maraykan ah,” ayuu yiri Col James Hayes, isaga oo ku sifeeyay inay ahaayeen shaqaale isku dar oo ka kooban ciidan, rayid dawladeed iyo qandaraasleyaal dawladeed.

Saldhigga ayaa horay u sheegay in calaamadaha ugu horreeya ay yihiin in shilka aan laga badbaadi karin.
Hayes ayaa sheegay in la wargeliyay qaraabada shaqaalaha balse magacyadooda la sheegi doono muddo 24 saac gudahood ah.

Ilaa hadda lama go’aamin sababta keentay shilka diyaarada balse baaritaanada lagu ogaan karo sababtaas waxay qaadan kartaa illaa 30 maalmood.Diyaaradan Boeing B-52 Stratofortress waxa isticmaalayey millatariga Maraykanku ilaa sanadkii 1950-yadii.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles