Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle.
Qorshahan ayaa lagu hagayaa dadaallada horumarineed ee Dowladda Hirshabeelle shanta sano ee soo socota, isagoo xoogga saaraya isla-xisaabtanka, hufnaanta maamulka, iyo hirgelinta mashaariic waxtar u leh bulshada iyo dowladda.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay xubnaha labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wakiillo ka socday Hay’adda Bangiga Adduunka (World Bank), WFP iyo U-Qeybsanaha Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay horumarka dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, isagoo yiri:
“Waxaan rabnaa in qorshahan loo fuliyo sidii loo qoray. Waxaa jiri doona isla-xisaabtan dhab ah oo dhex mara dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso. Waxaan ku boorrinayaa mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka Hirshabelle.”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u saxiixay Buugga Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabelle (2026–2030), isagoo ku tilmaamay tiir muhiim u ah horumarka, xasilloonida iyo kobaca dhaqaale ee Dowladda Hirshabeelle


