Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mohamed bin Ahmed Al Yamahi, ayaa si adag u cambaareeyay wararka la xiriira furitaanka safaarad lagu sheegay inay Somaliland ka hirgelinayso magaalada Qudus ee la haysto.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus, isla markaana ay tahay isku day lagu beddelayo maqaamka sharci iyo siyaasadeed ee magaalada. Waxa uu xusay in Qudus ay tahay dhul Falastiini ah oo leh maqaam uu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.
Guddoomiyuhu waxa uu uga digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay dhiirrigelin karaan siyaasadaha dhul-ballaarsiga iyo isbeddellada lagu sameynayo xaaladda magaalada, xilli ay weli socdaan colaadaha ka jira dhulka Falastiin.
Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus, isaga oo mar kale caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


