Jaamacadda Carabta oo si Kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka xarun diblomaasiyadeed lagu sheegay inay Somaliland ka hirgelisay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Bayaan ay soo saartay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in furitaanka xaruntaasi uu dhaawac ku yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ka hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya magaalada Qudus.

Jaamacaddu waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Somaliland inay dib uga laabtaan tallaabooyinka noocan ah, iyadoo carrabka ku adkaysay in mustaqbalka gobolka aan lagu dhisi karin qorshayaal dibadeed oo aan ka tarjumayn danaha shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageerada ururka ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka digay tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo mowqifka dalalka Carabta iyo beesha caalamka si loo ilaaliyo midnimada Soomaaliya iyo maqaamka sharci ee magaalada Qudus.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles