Baarlamaanka Carabta oo Cambaareeyay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mohamed bin Ahmed Al Yamahi, ayaa si adag u cambaareeyay wararka la xiriira furitaanka safaarad lagu sheegay inay Somaliland ka hirgelinayso magaalada Qudus ee la haysto.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus, isla markaana ay tahay isku day lagu beddelayo maqaamka sharci iyo siyaasadeed ee magaalada. Waxa uu xusay in Qudus ay tahay dhul Falastiini ah oo leh maqaam uu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

Guddoomiyuhu waxa uu uga digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay dhiirrigelin karaan siyaasadaha dhul-ballaarsiga iyo isbeddellada lagu sameynayo xaaladda magaalada, xilli ay weli socdaan colaadaha ka jira dhulka Falastiin.

Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin lagu ilaalinayo xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Qudus, isaga oo mar kale caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles