Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka xarun diblomaasiyadeed lagu sheegay inay Somaliland ka hirgelisay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo ku tilmaamay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah.
Bayaan ay soo saartay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in furitaanka xaruntaasi uu dhaawac ku yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu ka hor imanayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya magaalada Qudus.
Jaamacaddu waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Somaliland inay dib uga laabtaan tallaabooyinka noocan ah, iyadoo carrabka ku adkaysay in mustaqbalka gobolka aan lagu dhisi karin qorshayaal dibadeed oo aan ka tarjumayn danaha shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageerada ururka ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka digay tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Jaamacadda Carabta ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu mideynayo mowqifka dalalka Carabta iyo beesha caalamka si loo ilaaliyo midnimada Soomaaliya iyo maqaamka sharci ee magaalada Qudus.


