Muran xooggan oo ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa

Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib markii dadka ay wadaniyadda madax martay ee Israa’iil ay ka soo horjeesteen xeerar horey uga jiray masjidka.

Dadkan ayaa doonaya inay macbad weyn oo yuhuuduu leedahay ka dhisaan masjidka oo 1400 oo sano oo la soo dhaafay ay ku cibaadeysanayeen dadka Muslimiinta ah.

Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Wuxuu masjidku gaar u yahay dadka muslimiinta ah, balse taasi ayay doonayaan inay wax ka bedelaan, oo hadii ay dhacdo lagu soo warramayo, inay dhalin karto dagaal diimeed oo ka qarxa gobolka oo dhan.

Dadka aan Muslimiinta ahayn waa loo ogol yahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola inay halkaas ku tukadaan ama ay sameeyaan cibaado diimeed.

Wargayska Middle East Eye, ayaa ilo wareedyo badan u sheegeen in hay’ad cusub oo ay samaysay dowladda Israa’iil ay dooneyso in masjidka al-Aqsa ku dhawaaqdo in laga dhiagyo “goob diimeed badan”.

Dalalka khaliijka ayaa dhamaantood cambaareeyay markii uu soo baxay warkan halka dowladda Ingiriiskana, ay ku baaqday in la ixtiraamo goobaha taariikha ah gaar ahaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u sheegay, in wax isbeddel ah uusan ku imaan xaaladda hadda jirta.

Waxaa masjidka Al-Aqsa haatan gacanta ku haya oo maamula wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka Jordan.

Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles