Thursday, June 18, 2026

Muran xooggan oo ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa

Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib markii dadka ay wadaniyadda madax martay ee Israa’iil ay ka soo horjeesteen xeerar horey uga jiray masjidka.

Dadkan ayaa doonaya inay macbad weyn oo yuhuuduu leedahay ka dhisaan masjidka oo 1400 oo sano oo la soo dhaafay ay ku cibaadeysanayeen dadka Muslimiinta ah.

Muslimiinta waxay u yaqaannaan masjidu al-Xaram al-Sharif, halka Yahuuddana ay u garanayaan Macbad.

Wuxuu masjidku gaar u yahay dadka muslimiinta ah, balse taasi ayay doonayaan inay wax ka bedelaan, oo hadii ay dhacdo lagu soo warramayo, inay dhalin karto dagaal diimeed oo ka qarxa gobolka oo dhan.

Dadka aan Muslimiinta ahayn waa loo ogol yahay inay booqdaan al-Aqsa laakiin looma ogola inay halkaas ku tukadaan ama ay sameeyaan cibaado diimeed.

Wargayska Middle East Eye, ayaa ilo wareedyo badan u sheegeen in hay’ad cusub oo ay samaysay dowladda Israa’iil ay dooneyso in masjidka al-Aqsa ku dhawaaqdo in laga dhiagyo “goob diimeed badan”.

Dalalka khaliijka ayaa dhamaantood cambaareeyay markii uu soo baxay warkan halka dowladda Ingiriiskana, ay ku baaqday in la ixtiraamo goobaha taariikha ah gaar ahaan masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u sheegay, in wax isbeddel ah uusan ku imaan xaaladda hadda jirta.

Waxaa masjidka Al-Aqsa haatan gacanta ku haya oo maamula wasaaradda awqaafta iyo diinta ee dalka Jordan.

Dadka Musliminta ah wuxuu Misaajidka Al-Aaqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta saddexaad ee barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa wuxuu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Makah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles