Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka ah ee dhexmaray Mareykanka iyo Iran uusan ahayn mid si sahlan lagu gaaray, xilli uu saxiixayay heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee lagu qabtay Qasriga Versailles.

Muuqaal laga duubay xilliga saxiixa ayaa muujinaya Trump oo hakad yar sameeyay ka hor inta uusan qalinka ku duugin bogga koowaad ee heshiiska.

“Tani ma ahayn mid fudud,” ayuu Trump ku yiri dadkii goobta joogay isagoo gacmihiisa kor u taagaya. “Waxaan idiin xaqiijin karaa taas,” ayuu raaciyay isagoo bilaabaya saxiixa dukumentiga.

Hadalka Trump ayaa muujinaya culayska iyo wada-hadalladii adag ee la soo maray ka hor inta aan la gaarin heshiiska u dhexeeya Washington iyo Tehran, kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddii militari ee labada dal ka dhex taagnayd.

Heshiiskan ku-meelgaarka ah ayaa la filayaa inuu gogol xaaro wada-hadallo faahfaahsan oo lagu gaarayo heshiis rasmi ah oo waara, iyadoo indhaha caalamka ay ku jeedaan tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Mareykanka iyo Iran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles