Thursday, June 18, 2026

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka la xiriira in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka samaysatay gudaha Somaliland, isagoo sheegay inaysan jirin wax joogitaan ciidan oo Israa’iili ah oo ka jira deegaannada Somaliland.

Wareysi uu bixiyay madaxweynuhu ayuu ku sheegay in Somaliland aysan martigelin xarumo ama saldhigyo militari oo ay leedahay Israa’iil, islamarkaana aysan jirin heshiis ku saabsan joogitaan ciidan oo shisheeye oo ka jira dhulka Somaliland.

“Ma jiro saldhig milatari oo Israa’iil ku leedahay Somaliland, mana jiro wax ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan deegaannadayada,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo meesha ka saaray wararka maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada khataro amni oo kaga yimaada kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, isagoo caddeeyay in Somaliland aysan doonayn inay qayb ka noqoto colaadaha gobolka ka aloosan.

“Cadow kuma nihin cidna, mana raadineyno iska horimaad aan la galno dal ama koox gaar ah. Hase yeeshee, haddii la soo weeraro Somaliland, waxaan difaaci doonnaa ammaankeena iyo shacabka Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan wararka la xiriira magaalada Berbera oo lagu sheegay inay Israa’iil danaynayso sababo la xiriira istaraatiijiyadda Badda Cas iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen.

Ilaa hadda ma jiraan caddeymo rasmi ah oo muujinaya in Israa’iil ay saldhig milatari ku leedahay Somaliland, iyadoo masuuliyiinta Somaliland ay marar badan ku adkaysteen in siyaasaddooda arrimaha dibadda ay ku saleysan tahay iskaashi dhaqaale iyo amni, balse aysan oggolaanayn in dhulkooda loo adeegsado colaado ka dhan ah dalal ama kooxo kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

Muran xooggan oo ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa

Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles