Thursday, June 18, 2026

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag u cambaareeyay safarkii uu Hoggaamiyaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tegay magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ay Israa’iil xoogga ku haysato.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqda shacabka ku nool dhulalka la haysto.

Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiin, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay weli garab taagan tahay xuquuqda shacabka Falastiin iyo ilaalinta shuruucda caalamiga ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay ciidamada amniga Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Golaha ayaa xusay in ciidamada ay ku guuleysteen ka hortagga falal amni-darro oo la qorsheynayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka socda.

Golaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo adkeeyo xasilloonida dalka loona dardargeliyo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u...

Baarlamaanka oo dib loo furi doono iyo Xasan Sheekh iyo guddoonka oo kulmay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa...

Ciro oo ka hadlay hanjabaada Xuutiyiinta iyo Saldhiga Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad...

Trump “Ma Ahayn Mid Fudud” Isagoo Saxiixayay Heshiiska Ku-meelgaarka ah ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiiska ku-meelgaarka...

Muran xooggan oo ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa

Muran ayaa ka taagan masjidka barakeysan ee al-aqsa kadib...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles