IGAD oo ka digtay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u hayo madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay maanta soo saartay xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu la socday wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelatay magaalada Qudus, isla markaana uu dib u xaqiijinayo mowqifkiisa ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay in mowqifkeedu uu waafaqsan yahay heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka, gaar ahaan kuwa xubnaha ka ah ururka.

Ururka ayaa walaac ka muujiyay tallaabo kasta ama qorshe kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka digay in arrimaha noocaas ah ay sare u qaadi karaan xiisadaha siyaasadeed isla markaana ay wiiqi karaan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Bayaanka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan falcelinnada ka dhashay wararka la xiriira furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelatay Qudus, arrintaas oo dood iyo muran ka dhalisay gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles