Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag u cambaareeyay safarkii uu Hoggaamiyaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ku tegay magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ay Israa’iil xoogga ku haysato.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqda shacabka ku nool dhulalka la haysto.

Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiin, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay weli garab taagan tahay xuquuqda shacabka Falastiin iyo ilaalinta shuruucda caalamiga ah.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay ciidamada amniga Soomaaliyeed dadaallada ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Golaha ayaa xusay in ciidamada ay ku guuleysteen ka hortagga falal amni-darro oo la qorsheynayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka socda.

Golaha ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo adkeeyo xasilloonida dalka loona dardargeliyo horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles