Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suubban ee Islaamka. Jamaal Xasan Faarax, Cabdirazaaq Maxamed Abuukar, Mumtaz Cukaasha Cali Nuur iyo Bishaaro Yuusuf Jaamac ayaa ku eedeysan in ay barahooda bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya dhaqan-xumo, kuwaas oo si toos ah uga hor imanaya anshaxa suuban ee Islaamka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashan ay haatan ku jiraan gacanta Booliska, ayna ku socdaan baaris ballaaran oo dhinacyo badan leh. Marka ay baaristu dhammaato ayaa dhallinyaradan loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay dhallinyaro faafineysay falal dhaqan xumo ah
WARARKII KALE
Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 06 2026
admin -
Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...
Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka oo kala Saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (CEF) ee 2026–2028
admin -
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...
Mareykanka oo eedeyn u jeediyay Israa’iil
admin -
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dhaliil u jeediyay...
Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 06 2026
admin -
Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Cambaareeyay Safarka Cirro ee Qudus
admin -
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si adag...
NAGU SOO BIIR


