Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammad Al Jasser ayaa si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (Country Engagement Framework – CEF) 2026–2028, kaas oo hagaya iskaashiga maalgalineed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka muddada saddexda sano ee soo socota.
Qaab-dhismeedkan istaraatiijiga ah wuxuu muujinayaa sida ay IsDB uga go’an tahay taageeridda mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka kobaca dhaqaalaha dalka.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya laba tiir oo muhiim ah:
1-Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee adkaysiga leh, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.
2- Xoojinta horumarinta awoodda aadanaha, iyada oo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha, dib-u-tababarka iyo kor-u-qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.
Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kooxda IsDB, isla markaana uu furi doono fursado cusub oo lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo saameyn muuqata ku leh nolosha shacabka Soomaaliyeed.


