Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay afar eedaysane oo ku kacay falal ka dhan ah anshaxa iyo akhlaaqda suubban ee Islaamka. Jamaal Xasan Faarax, Cabdirazaaq Maxamed Abuukar, Mumtaz Cukaasha Cali Nuur iyo Bishaaro Yuusuf Jaamac ayaa ku eedeysan in ay barahooda bulshada ku faafiyay muuqaallo muujinaya dhaqan-xumo, kuwaas oo si toos ah uga hor imanaya anshaxa suuban ee Islaamka iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dhammaan eedeysanayaashan ay haatan ku jiraan gacanta Booliska, ayna ku socdaan baaris ballaaran oo dhinacyo badan leh. Marka ay baaristu dhammaato ayaa dhallinyaradan loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay dhallinyaro faafineysay falal dhaqan xumo ah
WARARKII KALE
Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026
Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...
Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga
Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...
Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...
Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...
Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...
NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...
NAGU SOO BIIR


