Maamulka Hirshabelle oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Hiiraan

Maamulka Hirshabelle ayaa war rasmi ah ka soo saaray dagaal beeleed ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Hirshabelle ayaa lagu sheegay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, iyadoo la xusay in dagaalladu sababeen dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac soo gaaray shacabka.

Hirshabelle ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo waxgaradka labada dhinac inay door muuqda ka qaataan qaboojinta xiisadda iyo dadaallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.

Maamulka ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatada bani’aadamnimo ee ka dhalatay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadka ku geeriyooday rabshadaha, halka uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles