QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in wada-hadalladu sii socdaan maalinta berri ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada looga hadlay arrimo siyaasadeed iyo kuwo amni oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan isfaham darrada u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.

Safarka Mahad Salaad ee Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay mid gogol xaar u ah socdaalka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu halkaasi tago si uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka jira.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne QoorQoor uu ku adkeysanayo inuu ka qeyb galo tartanka siyaasadeed ee Galmudug, islamarkaana haddii aan loo oggolaan inuu ku tartamo Xisbiga JSP, uu diyaar u yahay inuu xisbi kale ku galo loollanka.

Arrintan ayaa la sheegay inay walaac ku abuurtay Villa Soomaaliya, oo doonaysa hannaan siyaasadeed oo ay si dhow ula jaanqaadayaan qorshayaasheeda doorasho.

Kulamadan ayaa imanaya xilli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan ay ka socdaan Galmudug, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda dalka iyo doorashooyinka soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles