Saturday, June 20, 2026

Maamulka Hirshabelle oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Hiiraan

Maamulka Hirshabelle ayaa war rasmi ah ka soo saaray dagaal beeleed ka socda degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Hirshabelle ayaa lagu sheegay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, iyadoo la xusay in dagaalladu sababeen dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac soo gaaray shacabka.

Hirshabelle ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo waxgaradka labada dhinac inay door muuqda ka qaataan qaboojinta xiisadda iyo dadaallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.

Maamulka ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatada bani’aadamnimo ee ka dhalatay dagaalka, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadka ku geeriyooday rabshadaha, halka uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

WARARKII KALE

Aadan Madoobe oo maanta wareejiyay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

DF oo war ka soo saartay dagaalka Jalalaqsi iyo wafdi nabadeed oo loo diray degmada

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka...

Ciidanka xoogga oo Jubbada Hoose ku qabtay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal...

RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

QoorQoor iyo Mahad Salaad oo wada-hadallo ugu socda Dhuusamareeb 

Kulamo xasaasi ah ayaa magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweynaha...

Trump oo soo bandhigay diyaarad uu ka helay Qatar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo bandhigay diyaaradda cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles