Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee Dugsiyada Sare, kaas oo sanadkan ay u fariisteen kumannaan arday oo ku kala sugan gobollada dalka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan lagu qabanayo 58 degmo iyo 158 xarumood, iyadoo ay u fariisanayaan 44,136 arday.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Nuura Mustaf Muqtaar, ayaa xustay in diyaar-garow ballaaran loo sameeyay qabashada imtixaanka si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo tayada nidaamka waxbarashada dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray ardayda, isagoo yiri:
“Ardayeey waxaad xambaarsan tihiin rajada iyo himilooyinka Qarankiina, waxaad tihiin mustaqbalka waddankeena. Waa idinku faaneynaa waana idin aaminsanahay ee isku kalsoonaada.”
Imtixaanka sanadkan ayaa noqonaya sanadkii 12-aad oo xiriir ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u qaaddo Imtixaanka Qaranka ee Shahaadiga ah, taas oo muujinaysa horumarka laga gaaray mideynta nidaamka waxbarashada dalka.


