RW Xamsa oo daahfuray Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad ee Dugsiyada Sare, kaas oo sanadkan ay u fariisteen kumannaan arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan lagu qabanayo 58 degmo iyo 158 xarumood, iyadoo ay u fariisanayaan 44,136 arday.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS, Nuura Mustaf Muqtaar, ayaa xustay in diyaar-garow ballaaran loo sameeyay qabashada imtixaanka si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo tayada nidaamka waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray ardayda, isagoo yiri:

“Ardayeey waxaad xambaarsan tihiin rajada iyo himilooyinka Qarankiina, waxaad tihiin mustaqbalka waddankeena. Waa idinku faaneynaa waana idin aaminsanahay ee isku kalsoonaada.”

Imtixaanka sanadkan ayaa noqonaya sanadkii 12-aad oo xiriir ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah u qaaddo Imtixaanka Qaranka ee Shahaadiga ah, taas oo muujinaysa horumarka laga gaaray mideynta nidaamka waxbarashada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles