Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose ku soo qabtay xubin ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Aadan, looguna yeeri jiray Aadan Haashim.
Ururka 162-aad ee Danab ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay isagoo watay qori noociisu yahay AK-47, islamarkaana ku sugnaa xaalad jahawareer ah xilligii ay ciidamadu gacanta ku dhigayeen.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in eedeysanuhu uu qirtay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay toddobaadyadii la soo dhaafay la kulmayeen dagaallo iyo duqeymo joogto ah oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha iyo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab si loo xoojiyo amniga loogana saaro kooxda deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta Soomaaliya.


