Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo falalka aargoosiga ah ee sababay dhimashada, dhaawacyada iyo burburka hantida shacabka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed u dirtay maleeshiyaadka ku dagaallamaya degmada, waxayna sheegtay in qaar ka mid ah kooxaha dagaallamaya ay geysteen gubista guryo iyo dilal la xiriira aanooyin beeleed.
Wasaaraddu waxay farriin adag u dirtay dhinacyada ku lugta leh colaadda, iyadoo hay’adaha amniga ku amartay inay si degdeg ah uga shaqeeyaan daminta xiisadda iyo soo celinta amniga degmada.
Dhanka kale, wafdigii ugu horreeyay ee nabadeynta ayaa ku sii jeeda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Wafdigan ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo xal degdeg ah oo lagu soo afjaro colaadda ka taagan degmada Jalalaqsi.


