DF oo war ka soo saartay dagaalka Jalalaqsi iyo wafdi nabadeed oo loo diray degmada

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal beeleedka ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo falalka aargoosiga ah ee sababay dhimashada, dhaawacyada iyo burburka hantida shacabka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed u dirtay maleeshiyaadka ku dagaallamaya degmada, waxayna sheegtay in qaar ka mid ah kooxaha dagaallamaya ay geysteen gubista guryo iyo dilal la xiriira aanooyin beeleed.

Wasaaraddu waxay farriin adag u dirtay dhinacyada ku lugta leh colaadda, iyadoo hay’adaha amniga ku amartay inay si degdeg ah uga shaqeeyaan daminta xiisadda iyo soo celinta amniga degmada.

Dhanka kale, wafdigii ugu horreeyay ee nabadeynta ayaa ku sii jeeda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana hoggaaminaya Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Wafdigan ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho odayaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo xal degdeg ah oo lagu soo afjaro colaadda ka taagan degmada Jalalaqsi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles