Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen maleeshiyaad beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa shalay gaaray degmada Jalalaqsi, iyagoo wada dadaallo lagu xakameynayo colaadda dib uga soo cusboonaatay degmadaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo xal degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaallada soo noqnoqday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda degmada ay haatan tahay mid deggan, inkastoo ay weli socdaan waanwaanta iyo dadaallada lagu kala dhex galayo dhinacyadii ku dagaallamay Jalalaqsi.

Dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isla markaana la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada degmada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles