Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo iyo baaritaanno lagu raadinayo shaqsiyaad lagu eedeeyay falal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar muwaadinad Soomaaliyeed, kuwaas oo muuqaalladooda lagu baahiyay baraha bulshada.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in eedeysanayaashan lagu arkay baraha bulshada iyagoo ku kacaya falal ka hor imanaya dhaqanka suuban ee Islaamka, anshaxa wanaagsan iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan kiiska, islamarkaana ay socdaan baaritaanno iyo daba-gallo rasmi ah oo lagu soo qabanayo dadka lagu tuhunsan yahay falalkan, si sharciga loo horgeeyo.

Taliska ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada eedeysanayaasha.

Dhanka kale, Booliiska Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyay bulshada in aan la oggolayn qabashada isu-imaatinno ama munaasabado soo dhoweyn ah oo loo abaabulo dadka caanka ka ah baraha bulshada sida YouTuber-ro iyo TikToker-ro, iyadoo la sheegay in isu-imaatin kasta oo dadweyne ay tahay inuu maro habraacyada sharciga, amniga iyo ilaalinta kala dambeynta bulshada.

Taliska Booliiska ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles