Sunday, June 21, 2026

Sacdiyo Bajaaj Oo Hortageysa Maxkamad, Maxaa Cusub

Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaano Sacdiyo Bajaaj, ayaa maanta markale la horgeynayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in la guda galo dhageysiga dacwadda loo haysto.

Fadhiga maxkamadda oo ka dhacaya hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo eedeymaha rasmiga ah ee loo jeediyay Sacdiyo Bajaaj, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu hore ugu eedeeyay falal la xiriira kicin bulsho iyo hadallo lagu tilmaamay aflagaado ka dhan ah madaxda dowladda.

Kiiskan ayaa horey dib ugu dhacay kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay Xeer Ilaalinta ku amartay inay soo dhamaystirto dacwadda iyo caddeymaha la xiriira eedeymaha loo haysto Sacdiyo Bajaaj.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa horey u sheegay in Xeer Ilaalinta aysan soo gudbin dacwad dhammaystiran, isla markaana looga baahan yahay inay si cad u qeexdo eedeymaha iyo caddeymaha ay ku saleysan tahay dacwaddu.

Dhanka kale, qareenka difaacaya Sacdiyo Bajaaj, Abuukaate Xalane, ayaa warbaahinta u sheegay in maxkamaddu aysan ku qancin eedeymihii hore ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, taasoo sababtay in kiiska dib loogu celiyo si loo soo buuxiyo xogaha iyo caddeymaha maqan.

Sacdiyo Bajaaj ayaa muddo ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaana kiiskeeda si weyn u hadal hayay bulshada, iyadoo xarigeeda lala xiriiriyay hadallo ay ka sheegtay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo xaaladda nololeed ee shacabka.

Waxaa la filayaa in dhageysiga maanta uu iftiimin dheeraad ah ka bixiyo halka uu marayo kiiska iyo go’aannada ay maxkamaddu ka gaari doonto dacwadda loo haysto Sacdiyo Bajaaj.

WARARKII KALE

Roobka Muqdisho oo Hakad geliyay Ganacsiga iyo Gaadiidka

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad...

Guddoomiye Sacdiya oo ku Baaqday in si Deg deg ah loo soo afjaro Colaadda Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada...

 Booliiska Banaadir oo Baadi-goob Ku haya eedeysanayaal lagu eedeeyay Xadgudub

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay socdaan howl-gallo...

Wafdi ka socda Iran iyo Mareykanka oo tagay Switzerland

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland ayaa ku dhawaaqday in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles