Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen maleeshiyaad beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa shalay gaaray degmada Jalalaqsi, iyagoo wada dadaallo lagu xakameynayo colaadda dib uga soo cusboonaatay degmadaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo xal degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaallada soo noqnoqday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda degmada ay haatan tahay mid deggan, inkastoo ay weli socdaan waanwaanta iyo dadaallada lagu kala dhex galayo dhinacyadii ku dagaallamay Jalalaqsi.

Dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isla markaana la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada degmada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles