Monday, June 22, 2026

Ciidamo Taabacsan Laftagareen oo xalay Weerar Ku qaaday Baydhabo

Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Baay.

Wararka  ayaa tilmaamaya in iska horimaadka uu dhacay saacadihii habeenkii, iyadoo ciidamada weerarka qaaday ay la wareegeen askar ka tirsan dhinaca ay la dagaallamayeen, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada taabacsan Laftagareen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo hore ay ciidamada daacadda u ah Laftagareen weerarro uga fuliyeen agagaarka Baydhabo, halkaas oo ay ka jiraan xiisado amni iyo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe soo jiitamayay.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook ku sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaallada socda.

“Shacabkeenna sharafta leh ka fogaada goobaha ay degan yihiin ciidamada si aanay dhibaato idiin soo gaarin.

Waxaan u taaganahay inaan idinka dulqaadno kuwii duullaanka ku soo qaaday Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo xaaladda amni ee ka jirta Baydhabo.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles