Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Axaddii ee ku saabsanaa, in ciidamada Israa’iil ay sii joogaan aagga amniga ee koonfurta Lubnaan, isagoo yiri:

Suuragal ma ahan in ciidamada Israa’iil ay sii joogaan Lubnaan.”

Wuxuu sidoo kale intaa raaciyay:

“Ma jirto aag amni oo Israa’iil leedahay. Waxaan leenahay ciidan qaran oo mas’uul ka ah ilaalinta dalka, waana la shaqeyneynaa.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa khudbad uu si toos ah uga jeediyay telefishinka ku sheegay, in Israa’iil ay tahay “dal cadow ah” isla markaana ay “khasab tahay inay ka baxdo Lubnaan.”

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Mareykanka joogitaanka sii socda ee ciidamada Israa’iil ee Lubnaan, isagoo sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay sii socoshada xaaladdan.

Dhaka kale, wareeggii koowaad ee wadaxaajoodyada u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan ee lagu doonayay in lagu gaaro heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaro dagaalka ayaa lagu soo gabagabeeyey “horumar dhiirrigelin leh”, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan.

Wadahadalladu waxay ka bilaabmeen Axaddii dalka Iswiiserlaand, kaddib heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dal ay gaareen toddobaadkii hore.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles